Faysal Cali Waraabe oo Ku Gacan Seydhay Go’aankii Guddiga Diiwaangelinta

0
1599
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ku gacan saydhay warkii ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland.

Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee Somaliland, ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in uu dhacay Liisankii sharci ee xisbiyadda Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

Hadaba, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga Diiwaangelintu aanay shaqadooda ahayn, in ay ku dhawaaqaan goorta uu dhacayo Liisakanka xisbiyaddu, isagoo Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu usoo yeedhiyay warka ay warbaahinta la wadaageeen Guddiga Diiwaangelintu.

“Guddidaasi meel ay ka soo gasho arrinta axsaabta ma jirto, waxan u arkaa uun wax loo yeedhiyay oo lagu yidhi sidaa dhaha, oo madaxweyne Muuse Biixi ku yidhi, waxaanu qabnaa in ay sharci daro tahay, axsaabtu sharci ayay ku fadhiyaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in xisbiyaddu ay sharciyadooda waayi karaan marka inta ay doorasho galaan, laga adkaado ee xisbiyo kale badalaan, isagoo sheegay in sida madaxweynaha iyo golaha Guurtida ay xisbiyaddu u sii joogi doonaan iyadoo mudadoodii sharciga ahayd dhamaatay.

“Waxay waayi karaan meeqaam kooda iyaga oo doorasho gala, oo doorashada waaya, oo xisbi kale badalo, waa sida uu isaguba u fadhiyo isagoo wakhtigiisii dhamaaday, oo uu hadana magicii madaxweynaha wali sito, waa sida guurtidu ay u fadhido ee wakhtigoodi dhamaaday”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe.

Go’aanka guddiga diiwaangelinta, ayuu sheegay in aanu soconayn, isla markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi doonayo in uu Somaliland baabiiyo, isaga oo sheegay in uu madaxweynuhu hay’addaha doorashooyinka faragelin ku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here