“13 Nin ayay gabadhi la tartamaysaa Gabadhaas hala taageero oo dumarka…”

0
370

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka Somaliland SPP Saleebaan Xaglotoosiye, ayaa fariin u diray haweenka Somaliland.
Wuxuuna ugu baaqay haween weynaha Somaliland in ay taageeraan Rooda Cabdi Muuse, oo ah guddoomiyaha urur siyaaaadeedka Ogaal, iyadoona ah haweenayda keliya ee urur hogaaminaysa.
Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), oo isagoo caawa ku sugan magaaladda Laascaanood warbaahinta la hadlay ayaa ku booriyay bulshada Laascaanood in ay ururka Ogaal si buuxda berito ugu buuxiyaan tiradda madax taabashada ee laga rabo.
Geesta kale Xaglotoosiye, waxa uu sheegay ururkiisa SPP uu cudud balaadhan oo taageero inuu Laascaanood ku haysto, maadaama uu yahay gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeeddo.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ka qabsoonto tirinta madax taabashada ee ururadda siyaasadda Somaliland.
Iyadoona ay wax ka bedeleen tiradii sharciga ahayd ee gobolka walba urur kasta looga baahnaa guddiga diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo axsaabta qaranku.
Tiradaasi oo ahayd 1000 qof oo urur kasta si madax taabasho ah looga baahnaa ayaa Sool laga dhigay 400 oo qof in looga baahan yahay urur kasta.
Gobolka Sool ayaana noqonaya gobolkii lixaad ee ugu danbeeyay oo lagu soo gebagabaynayo ololaha madax taabashada ururadda siyaasadda Somaliland.
Iyadoona hore looga soo qabtay shanta gobol ee kale ee waaweyn ee dalka, ee kala ah Awdal, Maroodijewx, Togdheer, Saaxil, iyo Sanaag.
DAAWO: Hadalka Xaglotoosiye:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here