Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Deeq Gaadhsiiyay Degmadda Dhahar

0
430

Dhahar (Hargeisa Press) – Guddiga gurmadka abaaraaha Somaliland oo kaashanaya Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (Nadford), ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey qoysas danyar ah.

Guddiga gurmadka abaaraha u qaabilsan Somaliland, ayaa kaalmo raashin ah oo u qaybiyay qoysas tiradoodu dhan tahay 200 oo qoys.

Guddigu iyaga oo kaashanaya hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka (Nadford), ayay kaalmadan raashinka ah gaadhsiisay bulshaweynta ku nool degmada Dhahar iyo degaanada hoos yimaada.

Qaybinta raashinkan, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay baahi weyn u qabeen bulshaweynta degmada Dhahar iyo degaanada hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here