Xulka Daadmadheedh Oo Ku Guulaystay Koobka Goboladda Somaliland

0
1169

Hargaysa (HP): Koobka Kubbadda cagta goboladda jamhuuriyadda Somaliland ee sanadkan 2020-ka ayuu maanta ku guulaystay xulka gobolka Daadmadheedh.
Kadib markii ay 2 Gool iyo 1 Gool kaga badiyeen xulka gobolka Maroodijeex oo ay galabta ciyaartii kama-danbaystu dhexmartay.


Iyadoo sidaa uu xulka gobolka Daadmadheedh ku qaaday Koobkii sanadkan ee tartanka xulalka goboladda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaana Koobka guusha gudaha garroonka Hargeisa stadium ku gudoonsiiyay xulka gobolka Daadmadheedh.
Ciyaartii galabta ee labadda xul ee Daadmadheedh iyo Maroodijeex, oo ahayd mid aad u xiiso badan ayay daawashadiisa ka soo qayb galeen boqolaal dadweyne ah.
Xulka gobolka Daadmadheedh ayaana tobankii daqiiqadood ee u horeeyay ciyaartay waxay dhashadeen Goolkii u horeeyay.
Halka xulka gobolka Maroodijeex na ay Goolkii bar-baraha ay keeneen isla Haafkii hore ee ciyaarta.
Markii la isugu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa gebagebadeedii xulka gobolka Daadmadheedh ay keeneen Goolkoodii labaad.
Kaasoo noqday Goolkii ay ku hantiyeen Koobka tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland.
Geesta kale waxyaabaha u suurto geliyay guusha xulka gobolka Daadmadheedh ayaa ah in xulkaasi uu watay macalin taariikh weyn ku leh ciyaaraha Kubbadda cagta ee Somaliland iyo sidoo kale xiligii dawladii Soomaaliya.

Tababaraha ahna macalinka xulka Daadmadheedh Maxamed Xasan Diridhaba, ayaa sanadkan watay xulkaasi.

Diridhaba ayaa hore tababare ugu soo noqday xulalka dhawr gobol, waxaanay xulalka uu macalinka u ahaa koobka goboladda Somaliland ku soo guulaysteen marar badan.

Laba jeer oo gobolka Maroodijeex ah, iyo maanta uu Daadmadheedh guusha ay haadheen isagu libtiisa leeyahay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here