Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Cabdimaalik Muuse Coldoon

0
1878

Burco (Hargeisa Press) – Ciidamadda amaanka ee Somaliland, ayaa waxaa ay galabta xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadda amaanka Somaliland qabteen xilli uu ku sugnaa isagoo ku sugnaa goobtiisa shaqo ee magaalada Burco.

Waxaanay ay wararku intaasi ku darayaan in Cabdimaalik Muuse lagu xidhay saldhiga magaalada Burco.

lama oga waxaa loo haysto Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowr jeer oo hore xabsiga loo taxaabay.

Lkiinse, Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa la sheegay in xadigiisu salka ku hayo eedaymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu warbaahinta u mariyay aflagaadooyin qaawan.

Muuqaal uu iska soo duubay Coldoon ayuu madaxweynaha Somaliland ku dhaliilay in uu difaacay Dugsiga Abaarso.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyay eedaymo u jeedinayay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

Coldoon, ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale xukuumada Somaliland xabsiga ugu taxaabtay, isagoo dhaliilo joogta ah iyo aflagaado qaawan uu ku weeraray xukuumada.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sheegtay saxafi iyo samafale, ayaa la sheegay in uu ka mid yahay kooxaha Argagaxisada islamarkaana ay u soo adeegsadaan waxyeelaynta qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here