Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Dhigiisa Dalka Kenya?

0
1503

Nairobi (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye, ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada ee dalka Kenya Prof, George Albert Magoha.

Kulankan, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland, Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada iyo Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Kenya Sharmake Geelle.

Sidoo kale, waxaa kulankan Wasiirka Waxbarashada ee dalka Kenya dhankiisa ku wehelinayay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Kenya.

Labada Wasiir ee Somaliland iyo Kenya, ayaa kulankan koodan ay yeesheen waxaa ay kaga wadahadleen xidhiidhka Waxbarasho ee labada dale e Somaliland iyo Kenya.

Waa markii ugu horraysay ee Wasiir Waxbarasho oo Somaliland ahi la kulmo dhiggiisa Kenya.

Geesta kale, Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa intii ay ku sugnaayeen Nairobi waxaa ay kulamo la yeesheen madaxda Midowga Yurub (EU).

Waxaanay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta labada dhinac, kordhinta maalgalinta Waxbarashada Somaliland iyo diyaarinta mashaariicda horumarinta Waxbarashada oo ku salaysan Qorshaha Horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026.

Sidoo kale, wefdiga wasiirka, ayaa kulamo la qaatay Hay’adda Adam Smith International, iyaga oo kala saxeexday heshiis farsamo oo ay maalgalinayso Midowga Yurub oo lagu kobcinayo adeegga ay Wasaaraddu u fidiso bulshada iyo guud ahaan horumarinta Waxbarashada Somaliland.

Wefdiga Wasiirku waxa ay geesta kale la kulmeen Safaaradda Finland ee Nairobi iyo Hay’adda USAID, waxaanay kala hadleen kordhinta qaadhaan ay ku kabaan Waxbarashada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here