Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Laba Qof oo Laga Helay Corona Virus

0
850

Hargeysa(HargeisaPress)- Wasiirka horumarta caafimaadka JSL Cumar Cali Cabdillahi Badde ayaa shaaciyay in Somaliland laga helay labadii qof ee ugu horeeyay ee qaba xanuunka Coronavirus kuwaas oo hadda ku sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Wasiirku waxa uu xusay in xaaladda labada qof ee laga helay Coved-19 ay wanaagsan tahay isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaalaha caafimaadku.

Waxaanu shacabka Somaliland faray inay u hogaan samaan awaamiirta kasoo baxaysa gudida heer qaran ka hortagga iyo u diyaar garawga coronavirus. Wasiirka horumarinta cafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillahi Badde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu faafaahiyay xaaladda ay ku sugan yihiin labada qof iyo sidii lagu ogaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here