Faysal Cali Waraabe: “Somaliland Waxay Xuduudaheeda Ku Gaadhi Doontaa Awood Ciidan”

0
1133

Oog (Hargeisa Press)- Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu booqday Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland ee degmada Oog.

Faysal Cali Waraabe, ayaa soo indha indheeyay xaalada ciidammada isaga oo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada, isagoo a gaadhsiiyay kaalmo daawo ah.

Waxaa uu xusay in shan dowladood oo reero ah ay sameysteen Soomaaliya taasina ay ka dhigtay qaran fashilmay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay fashilantay, isla markaana guri kasta ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye.

Guddoomiye Faysal, wuxuu sheegay in Somaliland mustaqbalka u gar qaadi doonto Soomaaliya, balse aanay dalalka jaarka iyo caalamku midna garanayn furdaaminta qaska.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu sheegay in uu bilaabmay wanaaga iyo horumarka Somaliland, aqoonsigiinna lagu guulaysan doono.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay mustaqbalka gaadhi doonto horumar ballaadhan oo sababi kara in loo soo haajiro.

Gaba-gabadii, Guddoomiye Faysal waxa uu Ciidanka Qaranka Somaliland ku booriyay inay sii laban laabaan dedaalka difaaca ay ugu jiraan dalka Somaliland, waxaanu caddeeyay in Somaliland xuduudaheeda ku gaadhi doonto heshiis iyo awood ciidan mid uun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here