Somaliland oo Boggaadisay Xildhibaan Ka Tirsan Senate-ka Mareykanka

0
1583
Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa boggaadiyay Xildhibaan  James E. Risch oo ka tirsan golaha Senate-ka Mareykanka oo taageeray  dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururradda siyaasadda ee loo cayimay inay Somaliland ka qabsoomaan 13ka November 2024.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) uu ku sheegay in Somaliland tahay laambada dimuqraadiyadda Afrika.

Qoraalka madaxweyne ku xigeenku waxa lagu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland waxaan James E. Risch oo ka tirsan guddida xidhiidhka dibadda ee Senateka Maraykanka u gudbinayaa  sidaan ugu faraxsan nahay farriintaada taageerada ah.”

“Arrintaasi oo muujinaysa farqiga  u dhexeeya Somaliland oo ah xiddigta dimuqraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay,” ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here