Xildhibaan Siikaawi oo U Jawaabay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa

0
799

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan (Siikaawi) oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka caasimada Hargeysa, ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Siikaawi oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Xildhibaanada kala ah Yaasiin Cumar Yare iyo Cabdikariin Garas oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Hargeysa, ay markasta wadaan qabyaalad iyo kala qaybin.

Xildhibaan Siikaawi, ayaa waxaa uu labadaasi Xildhibaan ku eedeeyay in ay markasta si qabyaaladaysan ama deegaamaysan u difaacaan Maayarka Hargeysa, marka la saxayo.

Waxaana uu sheegay in Xildhibaanadaasi ay markasta si qaldan uga hadlaan arrimaha iyo shaqada Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi, ayaa beeniyay in muranka khilaafka ee xarunta dhismaha Degmada 26 Juune uu salka ku hayo arimo la xidhiidha qandaraaska dhismaha iyo shirkadda qaadanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here