“Siyaasadda Mareykanka Ee Soomaaliya Kama Turjumayso Xaqiiqada iyo Waxa Ka-Socda Somaliland”

0
2261

Washington (Hargeisa Press)- Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida Xidhiidhka dibadda ee aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa shaaciyay in uu sannado ku boorinayey wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkiisa inay xidhiidh la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Jim Risch wuxuu sidaas kaga hadlay farriin uu ku daabacay bartiisa X (twitter), waxaannu  ku dhaliilay xukuumadda Mareykanka in siyaasadeeda ku wajahan “Soomaaliya mid ahi” aanay shaqeynayn.

Mudane Jim Risch wuxuu qoraalkiisu u qornaa sidan:-

“Sannado ayaan ku boorinayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo aanay iska dhego tirin nidaamkeeda dimuqraadiyadda.Laakiin xulafadeenna caalamka ayaa amaanay doorashooyinka Somaliland.”

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Maamulka Mareykanku wuxuu la aamusan yahay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’ taasi oo aan ka turjumayn xaqiiqada iyo waxa ka socda Somaliland.”

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka mid ah xildhibaannada aqalka Senateka ee sida weyn ula socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu ka mid ahaa xildhibaannadii sameeyay xeerkii iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka sannadkii 2021kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here