Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Xilliga Uu Dhamaystirmayo Heshiiskii Itoobiya

0
2305

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay xilliga rasmiga ah ee uu dhamaystirmayo Heshiiskii isfahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa shaaciyay in muddo laba bilood gudahood ah lagu dhammaystiri doono heshiiskii is fahan ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya 4 bilood ka hor.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay inay socoto dhammaystirka heshiiska isfahan ee ku wajahan inay Somaliland ka kirayso Itoobiya 20 km oo xeebteeda ah, taasi oo ay Somaliland dhaafsatay inay Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Wasiirka, ayaa wuxuu sidaasi u xaqiijiyayΒ  Warsidaha Deutsche Welle ee dalka Jarmalka.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu intaas ku daray in wadaxaajoodyadu u socdaan labada dal isla markaana la dhisay guddiyadii farsamada ee ka shaqeynaya isku-duboridka dhammaystirka heshiiskii ay wada galeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed.

Waxa kaloo uu bayaamiyay inuu ku kalsoon yahay in qabyotirka Heshiiskaasi ku dhammaan doono labada bilood ee fooda innagu soo haya.

Geesta kalena Wasiirka horumarinta Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta Deutsche Welle, u sheegay in aqoonsigu uu Somaliland u horseedayo inay codkeeda gaadhsiiso caalamka oo ay ka heli karto fursado maalgashi, ganacsi iyo horumar.

Wasiir Sacad waxa uu ku dooday in ictiraafku uu Somaliland u saamaxi doono inay dhaqaale ka amaahato hay’addaha caalamiga ah ee maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here