Somaliland oo $135 oo Dollar U Uruurisay Shacabka Reer Falastiin

0
1569

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay bilowday olole ay dhaqaale ugu uruurinayso dadka tabaalaysan ee ku nool marinka Qaza ee dalka Falastiin.

Waxaana gobolada galbeedka Somaliland ku sugan wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, iyadoona Wasiirka iyo Weftigiisu ay magaalooyinkaas ku qabteen kulan arrintaasi la xdhiidha.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulada gobolada Gabiley iyo Boorama, ayaa ka qayb-galay kulan taakulo loogu ururinayay walaalaha Qaza.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ka mid ahaa masuuliyiinta tirada yar ee adduunka ee sida badheedhka ah uga hadlay dagaalka lagu qaaday bulshada reer Falastiin, isla markaana Islaamnimadu damaqday.

Wasiirku waxa uu kulan balaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee culimada gobolada Gabiley iyo Boorama, waxaanu faray inay iska soo xulaan guddi ka qayb qaadata kaalmada loo ururinayo bulshada reer Falastiin ee dagaalka Israa’il saameeyay.

Waxaanu sheegay Wasiirku in kulanka taakulaynta walaalaha Qaza, oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah masaajidada dalka ay ku soo ururiyeen 135-kun oo dollar.

Gaba-gabadii, wasiirka diinta iyo Awqaafta, ayaa xusay in bulshada Somaliland markasta diyaar u tahay wixii taakuleyn iyo khayr ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here