Agaasimaha guud ee Warfaafinta JSL Oo qalab nadaafadeed kala wareegay hay’adda waddaniga ah ee Havayoco.

0
888

Hargeysa (HargeisaPress)- Agaasimaha Havayocco Cabdilaahi Maxamed Xuseen oo agabkaasi guddoonsiiyay wasaaradda ayaa sheegay in agabkaas nadaafadeed lagu farsameeyay xarunta farsamada gacanta ee Havayocco kaas oo lagu dhiiri galinayo inay bulshadu isticmaalaan faraxalka.


Waxaa uu sheegay in xanuunka coronavirus lagaga hortagi nadaafadda gaar ahaan faraxalka. Waxaanu xusay in agabkaas dhamaanba ay isticmaali doonaan xafiisyada wasaaradda warfaafinta si loogu faraxasho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali ururka waddaniga ah ee Havayocco uga mahad celiyay agabkaas ay soo gaadhsiiyeen waxaanu ku booriyay inay dadaalka halkaas kasii wadaan.

Agaasimaha guud ayaa xusay in agabkan faraxalka ee ay samaysay Havayocco uu ka qiimo badan yahay midka dibadda laga keeno.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here