Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiiradda wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Caafimaadka Somaliland, Masuuliyiinta Maaamulka Gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa soo Af-jaray Colaad ka taagnayd Deegaanka Xaysimo ee Gobolka Sanaag.
Colaadan oo maalmahan ka taagnayd deegaanka Xaysimo oo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada dega, ayaa sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Hadaba, Masuuliyiintan kala duwan ee isugu jira Wasiirrada, Xildhibaanada iyo Maamulka Gobolka, ayaa ku guulaystay inay kala qaadaan labada Ciidan Ardaa ee is horfadhiyay oo dhawaan halkaasi dagaal ku dhexmaray.
Masuuuliyiinta xukuumadda Somaliland ka socday, ayaa qorshaynaya in waayeelka iyo Waxgaradka laba Ardaa ku wadahadal siiyaan magaalada Ceerigaabo, si loo dhameeyo xaaladda halkaasi ka dhacday, Nabad waartana loogu soo dabaalo dadka walaalaha ah ee wada degan Deegaanadaasi.