Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday Mudaharaadyo Aan Sharciga Waafaq-sanayn

0
506

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ugu baaqday axsaabta mucaaradka ah in aan laga aqbali Karin mudaharaadka ay ku dalbanayaan in ay caasimadda Hargaysa iyo goboladda dalka ka dhigaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska ayaa sheegay in ay gebi ahaanba mamnuuceen qabsoomida mudaharaadyo aan sharciga waafaq-sanayn.
Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu tilmaamay in warqad ay shalay xisbiyadda mucaaradku u soo gudbiyeen oo ay ku dalbanayeen in ay taageereyaashoodu qabsadaan mudaharaad aanay sharciga waafaqsanayn.
Waraaqda ay mucaaradku wasaaradda arrimaha gudaha u soo qoreen ayuu wasiirku u jeedadeedda ku sheegay in ay ahayd wargelin, isla markaana ay u arkeen in aanay dariiq sharciya u soo qorin.
Axsaabta mucaaradka ayaa waraaqda ay mudaharaadka ku dalbanayeen waxay u cuskadeen qodobka 31aad ee dastuurka qaranka faqradiisa labaad, kaasoo sheegaya in muwaadiniintu ay ra’yigoodda ku cabiri karaan mudaharaad.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u qiray xisbiyadda mucaaradka ah in qodobka 31aad ee dastuurku uu damaanad qaaday ra’yi dhiibashadda muwaadiniinta in ay mudaharaad ku muujin karaan.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaanba la joojiyay mudaharaadadii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridka, kadib markii ay diideen kulan lagaga wada hadli lahaa arrimaha ku saabsan qaabka uu mudaharaadkaasi u dhacayo.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Arrimaha Gudaha:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here