Xukuumadda Somaliland oo Dhaliil U Jeedisay Dalalka Reer Galbeeka

0
1845

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa uu dhaliil xoogan u jeediyay wadamada reer galbeedka ee taageera nidaamka dimuquraadiyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo qoraal ku baahiyay boggiisa X (Twitter), ayaa waxaa uu sheegay in dunida reer galbeedka ee taageera dimuquraadiyaddu ay ku guul daraysteen inay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay ummadda Somaliland gaadhay.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku iftiimiyey guulaha Somaliland gaadhay.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika ee keligood hirgaliyey kuna guulaystay dimuqraadiyadda, isagoo xusay in Somaliland ay qabsatay Shan doorasho oo ay laba ka mid ah ku guulaysteen Xisbiyo Mucaarad ahi.

Mudane Saylici wuxuu gabo gabadii qoraalkiisa ku sheegay in dalalka Reer Galbeedka ee buunbuuniya dimuqraadiyadu ay si weyn ugu guuldaraysteen in ay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay gaadhay Jamhuuriyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here