Wasiir Kaahin: “Heshiiskii Dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya Wuxuu Soomaaliya Ku-Riday Waali”

0
627

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed isla markaana ah Guddoomiyaha guddida heer qaran ee Madaxweynaha Somaliland u xil saaray qaban qaabada xuskan Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maalinta 18-ka May ay tahay maalin la wada leeyahay oo cid gaar ahi aanay sheegan karin.

β€˜β€™WaxaΒ  rasmi ah oo dhab ah qaran kasta oo jiraa taariikh nololeed uu ku debaal dego ayuu leeyahay, markaa 18-May waxay tahay marka laga yimaado xorriyadii aynu qaadanay 26-kii June 1960-kii waa maalinta u astaysan dib ula soo noqoshadda madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in qaranku qof yar iyo qof weynba u debaal dego, waana inaynu maanka ku hayno in Maalintani tahay maalin qaran oo la wada leeyahay sidoo kale waxaan dhallinyarada ku boorinayaa inay bartaan taariikhda dalkooda.” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ugu baaqay guud ahaan ummadda Somaliland dal iyo dibadba inay munaasibadan ugu diyaar garoobaan wada jir iyo isku duubni.

β€˜β€™Maalintaas qarannimada waxaa innagu wada waajib ah inaynu u debaal degno, waxaa kalooΒ  innagu waajib ah inaynu nabadgalyadeenna ilaalino oo qof kastaa uu noqdo boolis ilaalinaya nabadgelyada, afka guddidan anigoo ku hadlaya waxaan shacabka Somaliland, qurbe jooga iyo qol-qol joogtaba ugu baaqayaa in munaasibada 18-May 2024 ay si mudakarnimo leh ku xusaan.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalilad Maxamed Kaahin Axmed.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskii isfahan ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya uu Soomaaliya ku riday waali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here