Xukuumadda Somaliland Oo Adkaysay Isu Socodka iyo Sharciyada Socdaalka

0
852
The Abaarso School is based in Somaliland, a self-declared independent state in Somalia.

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda  Somaliland ayaa aad u adkeysay maalmahan baadhista dadka socotada ah ee ka soo degaya gegooyinka dayuuradaha amaba baraha kantaroollada ee xuduudaha , iyadoo dhowaana madaxweyne Axmed Siilaanyo u saaray guddi wasiiro ah nidaaminta socdaalka Somaliland.

 

“Sanadka dhammaadkiisa iyo xaaladdaha guud ee ka jira aduunka iyo dalalka jaarka awgood waxaanu adkaynay isu socodka soo galitaanka iyo bixitaanka iyo la dagaalanka tahriibka, sida madaarka Hargeysa oo aanu amarnay inaanay cid aan sharci sidani soo galin, cidda baxaysaana sharci ku baxdo. Waxaanu mamnuucnay dadka Somaliland u dhashay ee qaadanaya .

 

“Go Home” ma jirayso, waxa weeye in qofka Somaliland dalka kaga baxo basaboorka Somaliland ama wixii kale ee uu haysto laakiin lama ogola in dalka lagu soo galo sifo aan sharci ahayn, anagoo uga jeedna xagga ammaanka iyo dhaqaalaha,”Waaxda socdaalka Somaliland ayaa sidaasi u sheegtay BBC.

 

Xukumadda ayaa sheegaysa in dhammaan basaboorrada sharciga ah ee Somalia ka mid tahay lagu soo gali karo dalka, sidoo kalena lagaga bixi karo. Dhawaan ayay soo baxeen warar ka soo baxay Al-shabaab oo ay ku doodayaan in Somaliland ku kacday arrimo diinta Islaamka ka dhan ah, sidaasi darteedna ay u soo hanjabeen. Waxaa sidoo kale booliska la galiyay heegan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here