Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Beer Casriya Maanta Ka Furay Magaalada Hargeysa + Faa’iidada Ay Dalka U Leedahay Iyo Ubaxyo Kala Duwan Oo Goobtaas Lagu Soo Bandhigay + SAWIIRO

0
1742

Hargeysa, (HargeisaPress) — Beer aad u qurux badan oo maanta laga furay magaalada Hargeysa,gaar ahaan xaafadda New-Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay dhir casriya,sida dhirta khudradda ah ama cuntada ah,sida Kaffeeyga,tufaaxa,tamaandhada, iyo weliba ubaxyada qurxoon  ee guryaha iyo jidadka bilicdooda kor u qaada, Waxaana ku shuraakoobay dad qurbo-joog ah iyo qol-qol joog.

ber 2

Beertan Bilicsan Garden Hargeysa ayaa qayb wayn ka qaadan doonta bilicda iyo dalka,dhinaca kale beertan ayaa shaqo abuur unoqon doonta dhallinyaro badan oo dalka ka tahriibayey. waxaana ay u tahay tusaale wanaagsan oo ay ku dayan doonaan.

beer9

Munaasabad aad u balaadhan oo xadhiga lagaga jarayey beerta bilcsan Garden oo ka qabsoontay barxad weyn oo ku dhex-taala beertan, waxaana ka soo qayb-galay mulkiilayaasha beertan iyo weliba masuuliyiin ka socda wasaarada beeraha somaliland iyo marti sharaf kala oo aad u tiro badan.

beer 3

Baashe Jaamac Muxumed waa mid ka mid ah mulkiilayaasha beertan casriga ah ee laga furay magaalada Hargeysa, gaar ahaana xaafada New Hargeysa, iyadoo dhinaca koonfureed kaga beegan huteelka baar waraabe,beertan ayaa lagu magacaabaa Bilicsan Garden,waxaana lagu iibinayaa dhirta noocyadeeda kala duwan iyo ubaxyada qurxoon.

 

Xafladda furitaanka Bilicsan Garden oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac Muxumed waxaana uu ka hadlay waxyaabihii ku kallifey inay furan shirkaddan,ayaa waxaa uu yidhi “Waxaanu halkan k a furney shirkad la yidhaahdo Bilicsan Garden oo nagu kalliftay markii aanu aragnay magaaladu siday bilicdeedu tahay inaanu u furno shirkad la yidhaahdo Bilicsan Garden,oo ay ka hawl-galaan dad badan oo shaqaale ah oo dhallinyarada immika tahriibeysa ah aanu u aas-aasney in aanu barno sida wax loo soo saaro sida wax loo biliceeyo”Ayuu yidhi maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac Muxumed.

beer 4

Dhinaca kale maamulaha sare ee shirkadda Bilicsan Garden Faysal Jaamac ayaa ka hadlay waxyaabaha ay shirkaddani qabaneyso iyo faa’iidada ay u leedahay dalka iyo caasimaddaba “Shirkadda la yidhaahdo Bilicsan Garden waxa aanu ugu talo galney in aan waddanka iyo magaalada caasimadda aanu kaga bilowno oo aanu ku dhireyno,qof walibana gurigiisa hortiisa uu ku beero dhir aad u qurux badan,oo uu iska xaadho dhagaxaanta iyo xashiishkan” Ayuu yidhi Faysal Jaamac Muxumed.

beer 11

Sidoo kale Faysal Jaamac Muxumed ayaa baaq u diray dawladda iyo maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco inay garab ku siiyaan sidii loo hagaajin lahaa bilicda dalka “Waxa aan dawladda iyo maayerka u gudbinayaa in laga tir-tiro xashiishka iyo dhagaxaanta si aanu dhirtan quruxda badan ugu beerno”Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Faysal Jaamac Muxumed ayaa.

beer 1

Furitaankan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi waxaana uu soo dhaweeyey beertan casriga ah ee laga furay magaalada Magaalada Hargeysa “Waxaanu soo dhaweeyneynaa mashruucan ay bilaabeen ururka Bilicsan,runtii marka loo eego dhinacyo badan ayuu faa’iidooyin innoogu leeyahay aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay,waana wax innga maqnaa”.

 

Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku dhiiri geliyey ururka Bilicsan inay sii wadaan dedaalka ay wadaan “Waxaanu jecel nahay hawshan ay maanta bilaabeen inay halkaas ka sii wadaan inay gobolada iyo degmooyinka gaadhsiiyaan aad iyo aad ayaanu ugu bogaadinayey shaqada fiican ee ay qabteen”Ayuu yidhi Agasimaha wasaaradda beeraha Somaliland Md.Cabdiqani Yuusuf Cabdi.

beer7

 

Baashe Jaamac Muxumed ah muwaadin qurba joog reer somaliland, isla markaana ka mid ah mukiilayaasha beertan bicisan Garden oo madashaashi ka hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay cidda ku bahoowday shirkadda Blicisan “Shirkaddan waa shirkad beeraha ah oo aanu dhowr qof ku nahay,kolley waa qurbo joog iyo qol-qol joog labadaba tacab ayaau isku geliney,waa shirkad runtii xagga beeraha,beertan waxaa la yidhaahdaa Bilicsan Garden Hargeysa”

 

Dhinaca kale Baashe Jaamac Muxumed waxyaabaha kala duwan ee beertan laga heli karo “Beertani dhir badan ayey ka kooban tahay, dhirtii hadhka ee waaweyneyd,dhirtii khudradda ahayd ee ama cuntada ahayd,sida Kaffeeygii,tufaaxii,tamaandhadii Iyo weliba ubaxyo aan hore dalka u oolin oo ah noocyada guryaha lagu qurxiyo”

beer 8

 Isagoo oo hadalkiisa si wata ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa aanu dooneynaa inaanu ka qayb qaadanno xagga hawada sii xumaatay,taasna waxaa sabab u ah ama adduunyadu ku dagaalameysaa waa cunto iyo hawada oo wax laga qabto,waxa aanu dooneynaa inaanu ciiddii dhammaatay dib u soo celino”

 

Gebo-gebadii ayaa Baashe Jaamac Muxumed waxaa uu ugu baaqay bulshada reer Soomaliland inay ilaashadaan xoolahooda iyo dalkooda “Waxaynu nahay dad xoolo ku nool ah,geelii,adhigii iyo Lo’dii waxa aan ka baqanayaa sidii Libaaxii dalkeenna uga baxay ay xoolaheennu dalka uga baxaan,waxaan jecelahay ummadda Somaliland inay gacmaha is-qabsadaan oo ay la dagaalamaan cadowga baabi’inaya xoolaheenna iyo dhirteenna” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Baashe Jaamac Muxumed.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here