Xukuumada Madaxweyne Biixi oo Ka Cagajiidaysa Fulinta Qodobadii Ay Soo Saareen Gudidii Dhex-dhexaadintu

0
894
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weli ka cago jiidaysa fulinta qodobadii ay soo saareen guddigii dhex-dhexaadineysay Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada Biixi, sida uu sheegay Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf.

Xildhibaan Xuseen oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ayna la dhacsaneyn qodobada guddigaasi, kuwaasi oo ay hore u soo dhaweeyeen Xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyey in Xukuumada Biixi ay daacad ka noqoto waxyaabihii lagu heshiiyay isla markaana ay fuliso, wuxuuna yidhi “Labada Xisbi Mucaarad go’aanka laga gaadhay Komishanka cusub wey soo dhaweeyeen”.

“Xukuumadduna waxay u muuqata inay ka cago jiidayso go’aankaas, wax kasta oo lagu heshiiyayna waxaa wanaagsan in daacad laga noqdo oo la fuliyo waxa lagu heshiiyey”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xeerarka  aynu dhiganay iyo Dastuurka in aan lagu takrifalin,oo aan lagu xad gudubin weeye, waa in si salmiya oo aan dhib iyo buuq ku jirin u soo bandhignaa khalad kasta oo lagu kacayo, iyo ku takrifalka Dastuurka, Dawladda ahaato ama cid kasta ha ahaate, ciddina sharci uma laha in Dastuurka dalka lagu xad gudubo oo awood la adeegsado”.

“Shacabkuna waxay xaq u leeyihiin in wax kasta oo khaldan oo xad gudub ah ay dareenkooda ka muujiyaan, iyagoo u sii maraya Xisbiyada iyo walibana firkooda soo bandhigaya, Xisbiyaduna waa Mikirifoonka Shacabka, sidaas darteed Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacaba waxaa ku waajib ah inay ilaaliyaan Dastuurka oo aanay ciddina awood gaar ah adeegsan”.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa iyadu si weyn uga cago jiidaysa qodobka ugu muhiimsan ee ku jiray qodobada uu Guddiga dhex-dhexaadintu soo saaray, kaasi oo sheegaya in la kala diro Komishanka cusub oo isagu qeyb weyn ka ah xiisada ka taagan arrimaha Doorashooyinka Somaliland, halka ay xisbiyada mucaaridku si cad u sheegen inay aqbaleen dhamaan qodobadii ka soo baxay guddigaasi.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here