Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo Ka Hadley Dibadbaxyo Lagaga Soo Horjeedo oo Uu Kala Kulmay Badhan

0
842
Badhan (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka hadley banaanbaxyo lagaga soo horjeedo oo maanta ay kala hortageen  shacabka magaalada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.

Iska caabintan ayaa dhexmartay ciidanka ilaalada gudodomiyaha iyo shacab ka cadhaysanaa imaatinkiisa gobolka Sanaag, waxaana ku dhaawacmay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka bilayska Puntland, askar iyo dad shacab ah oo u badan arday.

Guddoomiyaha barlamanka Puntland ayaa falkan ku eedeeyay inay soo abaabuleen shaqsiyaad ku howlan inay gobolka Sanaag u sameeyaan maamul ka madax bannaan Puntland.

Cabdirashiid waxaa uu sheegay gobolka Sanaag inaanu marnaba marti u ahaandoonin dad doonaya inay hoos geeyaan Hargeysa ama Burco, waa sida uu hadalka u dhigay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolkaas oo sheegtay maamul lagu magacaabo Maakhir State ay ka digeen in Puntland faro gelin ku sameyso Sanaag.

Waxay guddoomiyaha barlamaanka ku tilmaameen inaanu ahayn nin matali kara gobolka Sanaag oo xaqdaro ku fadhiistay kursigii laga kiciyay guddoomiyihii ka horeeyay ee mooshinka lagu riday.

 

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here