Somaliland: Guddiga Wanaag Farista Oo Ka Digay In Loo Dabaal-dego Sanadka 2020-ka

0
1015

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddiga Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ee xafiiska Hargaysa ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka.

Waxaanay xukuumadda Somaliland iyo ciidamadda amaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhalainyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka.

 

Xubno ka mida guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda.

Waxay kula dar-daarmay bulshadda Somaliland in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga.

Sheekh Muuse Jaamac, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo.

Waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin.

Inaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay. Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri.

Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay. Ciidd kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”.

Geesta kale sheekh Muuse Jaamac, ayaa ugu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyaradda in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Baddaha loo tamashle tegi karin.

“Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshadda islaamka ah, in aan ciidd laga dhiganin,  la isku-na hambalyaynin,  la isku-na xafladaynin, hudheelada-na aan la isugu soo bixin, Baddaha-na aan lagu yaacin. Wax Ajri ahna aan laga helaynin”ayuu yidhi sheekhu.

Dhinaca kale sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintoodda, isla markaana  sidii sanaddo hore-ba dhacday ay dhalinyaradu xaflado ku qabsadaan hudheeladda.

Isagoo tilmaamay in iyaga masuuliyadoodu ay tahay in ay bulshadda xumaha ka reebaan oo ay fariin u diraan.

 

Waxaanu yidhi, “Xadiis ayuu Nebigeenii Muxamed SCW, inoogu cadeeyay tar-tiibta Dacwadda. Cidii xumaan aragtaa Gacanta wax hakaga qabato. Doorkaasina, waa doorka dawladda ama xukuumadda oo awoodda u leh.

Cidii kari waydaana, Carrabka hakaga reebta xumaanta. Ayuu yidhi Nebigeenii SCW. Anagu Carrabka ayaanu xaq u leenahay, waxaanan rejaynaynaa in ay qaataan insha ALLAAH”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here