Xukumadda Somaliland Oo Diyaarinaysa Goobo La Dejiyo Qaxoontiga Qalalaasaha Yemen Ka Soo Cararaya

0
924

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal,oo ay weheliyaan Wasaaradda Daakhiliga iyo Hay’adda Qaxoontiga Aduunka UNHCR ayaa Berbera u tagay diyaarinta Goobo la dejiyo Qaxoonti la fiilayo inay ka yimaadaan dalka Yemen oo qaarkood jidka ku soo jiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkii ka soo qaxayay Dagaalka Yemen uu halkaasi dagaalku ku qabsaday kadibna ay waayeen meel ay ka baxaan maadaama ay jiraan Xayiraado dhanka Cirka,Badda iyo Bariga ah.

β€œWaxaanu diyaarinaynaa Meelo Berbera ku yaala oo lagu hubiyo laguna baadho Qaxoontiga ka imanaya berbera, Meelahaas oo ay ku sugnaan doonaan ilaa Saddex Maalmood kadibna loo qaadi doono Magaalooyinka kale ee Qabow maadaama Berbera tahay Magaalo Xeebeed Kulul” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal oo BBC-da uga waramay arrintan.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xogo ku hayaan in Qaxoonti badan jidka ku soo jiro sidoo kalena la filayo in qaar badani qorshaynayaan sidii ay Somaliland u iman lahaayeen, balse muu sheegin Qiyaasta ilaa hadda la hayo.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland iyo Hay’addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo arrimaha bani-aadanimo ay iska kaashanayaan qaabilida Qaxoontiga ka soo yaacay wadanka dariska Somaliland kala ah badda ee Yemen.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay hore Somaliland u soo gaadhin Qaxoonti Yemen ah oo soo gaadhay oo meel la dejiyay balse ay jireen tiro yar oo Maalin hore soo gaadhay. Waxa uu sheegay in dadka la filayo inay yimaadaan ay noqdaan kuwa jinsiyado kala duwan ah.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here