Xoghayaha Guud Ee Waddani Oo Xukunkii Hitler Ku Tilmaamay Xukuumadda Biixi

0
738

Hargaysa (HP): Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda madaxweyne Biixi oo uu ku tilmaamay in ay la mid tahay xukunkii kelitaliyeyii Hitler.

Waxaanu sheegay in xadhigii laba todobaad ka hor lagu xidhay isaga iyo afhayeenka xisbigaasi in uu ahaa mid lagu raali gelinayay madaxweynaha, isla markaana aanay wax danbi ah oo ay faraha kula jireen.

Khadar Xuseen Cabdi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xibsiga Waddani ee Hargaysa waxa uu ka hadlay xadhigii isaga iyo afhayeenka xisbigaasi Barkhad Jaamac batuun, ay muddo sagaal maalmood ah ugu xidhnaayeen xabsiga Mandheera.

Inkastoo labadaas masuul  maalmood ka hor la soo daayay, ayaa faahfaahin ka bixiyay xadhigoodii iyo sidii loo dhaqmay intii ay xidhnaayeen iyo arrimo kale.

Wuxuu u mahad naqay guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee ka damqaday xadhigoodii iyo ciidamadda booliska oo uu sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmeen markii la xidhayay iyo markii la soo daynayayba.

Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay ciidamadda asluubta ee ilaaladda ka ah xabsiga Mandheera ee ay ku xidhnaayeen iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu sheegay in ay si weyn isaga xil saareen sidii loo soo dayn lahaa.

Xoghayaha guud ee Waddani waxa uu sheegay in aanay marnaba ka tanaasulaynin mabda’ii lagu xidhay ee ahaa in la hello Somaliland oo xoriyatul-qawlku caadi ka yahay, isla markaana aanay ka jirin caga-juglayn.

Geesta kale waxa uu xusay in maalmihii ay xidhnaayeen afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun, lagu xidhay meel aan wanaagsanayn, sidoo kale-na loo gaystay af-lagaadooyin la xidhiidha haybtiisa.

Khadar Xuseen, waxa kaloo uu eedaymo u jeediyay taliyaha  ciidamadda booliska Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu dulmi gaystay oo uu cid gaara ku raali gelinayay xadhigoodda.

Halkan Ka Daawo   Shirka Jaraa’id Ee Xoghayaha Guud Ee Waddani:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here