DEG DEG: Ciidamo Hubaysan oo Ka Tirsan Puntland oo Xoog Kula Baxay Maxaabiis

0
986

Gaalkacyo (Hargeisa Press)- Ciidamo hubaysan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamul goboleedka Puntland ayaa weeraray maxkamad ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo halkaasi xoog kagala baxay laba nin oo ay maxkamadu xukuntay.

Labadan nin ee maxkamada lagala baxay, ayaa kamid ahaa rag dhawaan lagu soo qabtay Khamri badan oo ay magaalada soo galiyeen, Kamrigaas oo isla maanta lagu gubay magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ciidanka Booliiska maamulka Puntland ka tirsan oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamadii Maamulka Puntland ee la rabay inay amniga sugayaan ay laftoodii ku kacayaan falal ceeb ku ah Maamulka.

Sarkaalkan wuxuu caddeeyay in ay dacwad ka dhan ah ciidamada falkaas ku kacay u gudbiyeen taliska guud ee ciidanka daraawiishta Puntland, iyagoo codsaday in talaabo culus laga qaado.

Ugu dambayn, wuxuu tilmaamay in amni xumada ka jirta gobolka Mudug ay qayb weyn ku leeyihiin ciidamo badan oo aan lagu sameynin dib u habayn islamarkaana aan cidna ka amar qaadan.

 

Hargeisa Press Desk/ Gaalkacyo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here