Magacyada Soomaalidii Ku Dhintay Dabkii Ka Kacay Minneapolis oo La Shaaciyay

0
706

Minneapolis (Hargeisa Press)- Saacaddu markii ay ahayd 4:45 subaxnimo ayaa dab xooggan ka dhashay dhisme ku yaala xaafadda ay Soomaalidu u taqaano Muqdishadii Yaereyd ama Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis ee dalka Marakanka.

Dhismahan oo ah mid aad u dheer ayaa ka kooban 25 dabaq, halka uu dabku ka bilowday dabaqa 14-aad.

Dhismahan waxa uu ka mid yahay dhismayaasha ay iska leeyihiin dawladda hoose ee degmada Minneapolis

Xafiiska Baadhitaanka Caafimaadka ee Hennepin County wuxuu shaaciyay magacyada afar ka mid ah shanta qof ee ku geeriyootay dabkan maalintii Arbacadii ah, dhammaantoodna waxaa la ogaaday uu dilay qiiqa ka dhashay dabka oo hawadii ka xidhay.

Sidoo kale, Dadka dhintay saddex ka mid ah ayaa waxa ay ahaayeen dad Soomaali ah oo dhamaantood ah dad waawayn.

Hoos ka akhriso magacyada iyo da’da dadka dhintay

1. Amatalah Adam, 78 jir ah.

2. Maryan Maxamed Maxamuud.69 jir ah.

3. Nadiifo Maxamuud, 67 jir ah.

4. Jerome Stuart, 59 jir ah.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here