Xisbiga Waddani Oo Iska Difaacay Eedo Uga Yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
829

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa iska difaacay eedo uga yimid wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, masuuliyiin xisbigoodda laga xidhay iyagoona  xukuumadda ku eedeeyay in aanay daacad ku ahayn arrimaha doorashooyinka.

Masuuliyiintaas oo kala ahaa hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo siyaasi Ismaaciil Aadan Xuseen (ismaaciil yare) oo maanta waraabinta kula hadlay xarunta xisbiga Waddani.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay in muddo ay saddexda xisbi qaran ka wada hadlayeen arrimaha doorashooyinka, isla markaana waraaq ay ku dalbanayeen in baadhitaan lagu sameeyo musuq maasuq lagu sameeyay doorashadii madaxtooyadda.

Xuseen Axmed Caydiid, waxa u tilmaamay in waraaqdaasi oo ay ku socodsiiyeen madaxweynaha, goleyaasha baarlamaanka iyo daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland aanu madaxweyne Muuse Biixi waxba ka qaban.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaasi waxay ka bilaabantay bishii March ee sanadkii hore, warqad uu xisbiga Waddani qoray oo uu dhaliilo ugu jeedinayay komishanka doorashooyinkii dalka ka dhacay, oo nidaam sharcigu banaynayo uu u soo maray, oo uu madaxweynaha ugu soo gudbiyay sidaas iyo cidihii kale ee daneeyeyaal ka ahaa doorashooyinka.

Xeerku wuxuu tilmaamayay, oo uu madaxweynaha farayaa in guddi baadhiseed loo dirro marka arrimahaas oo kale marka ay dhacaan. Madaxweynuhu mudadaa sanadka iyo badhka ah isagaa difaace u ahaa komishanka doorashooyinka”.

Sidoo kale Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare),  ayaa isna xisbigoodda ka difaacay eedo uga yimid wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo sheegay in xisbiga Waddani uu dalka ka abuurayo nabadgeliyo darro.

“Inna Kaahin (wasiirka arrimaha gudaha),  intii Somaliland jirtay mucaarad ayuu ahaa. Xukuumadihii jiray oo dhan ayuu mucaarad ku ahaa.  Wuxuu dhaliili jiray oo uu had iyo jeer ka hadli jiray-na waxay ahayd nabadgelyadda.

Waxaan xasuustaa markii aan wasiirka arrimaha gudaha waxa aanu carabka ka dhigi jirin oo uu dhaliili jiray ciidamadda booliska iyo shaqadda ay dalka u hayaan”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Geesta kale hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhiga lagula kacay guddoomiyaha garabka dhalinyaradda ee xisbigaasi  oo dhawaan ay ciidamadda boolisku xidheen.

Hogaamiye Xirsi, waxa uu sheegay in masuulkaasi loo gaystay dhibaato iyo jidh dil. Waxaanu yidhi  “Guddoomiyihii garabka dhalinyaradda ee xisbiga Waddani, sifo aan sharciga baalmarsan oo aan sax ahayn ayaa loo soo qabtay, inta gurigiisa loogu tegay, oo weerar la geliyay.

Markii danbe-na maxkamadda horteedda ka sheegay dhibaatadda loo gaystay iyo sida loola macaamilay, iyo in lagu xidhay meel u muuqatay in ay jidh dil tahay. Waanan ku mahadinayaa in ay shalay-ba ka hawl galeen hay’adaha xuquuqal iinsaanku”.

Waxaanu intaas raaciyay,  “Aad baanu uga soo hor jeednaa in dadka lagu xad-gudbo guud ahaanba dad reer Somaliland ee muwaadiniinta ah.

Marka labaad in dimoqraadiyadii iyo xisbiyadii iyo hanaankii dastuurku sheegay lagu xad-gudbo, oo madaxdii xisbiyadda guryaha loogu dhaco, iyagoo la og yahay  in ay xafiis leeyihiin, iyagoo la og yahay in ay joogaan, iyagoo la og yahay in aanay baxsanaynin.

In guryaha loogu dhaco, oo si fool-xun loo soo qabto, isagoon danbi gacanta kula jirin, in ra’yigiisa loo xidhay waxaanu u aragnaa in ay qalad tahay” ayuu yidhi Xirsi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here