“Waxaanu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen waxaanan idinku”… madaxweynihii hore ee Nigeria

0
871

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Mr. Olusegun Obasanjo,  oo booqasho laba maalmood ah ku jooga  Somaliland.

Hadhimo-sharafeeddan uu madaxweynuhu u sameeyey madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray.

Wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayay madaxweynaha hore ee Neyjeeriya  Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga.

Waxaana halkaas laga jeediyay hadallo loogu mahadnaqayay, isla markaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation,  ayaa amaanay  horumarka  balaadhan ee ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mr. Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in booqashadda uu Somaliland ku yimid ay salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee Somaliland ka jirta.

Isagoo shacabka Somaliland iyo xukuumaddooda-na ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo nabadgelyadda ay ku tallaabsadeen.

Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan (Somaliland) u nimid in aan aragno,  oo aanu indho indhayno, oo aannu dhegaysanno, waxay qabsatay.  Ilaa imika-na waxaanu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen.

Waxaad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxaanan idinku dhiirrigelinaynaa in aad sii joogtaysaan”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya, Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimid.

Waxaanu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Daawo Hadalka Wasiir Sacad Cali Shirre:

Mr. Obasanjo,  oo maanta ka soo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu  booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare. Isagoo halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.

Daawo Sawirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here