Xisbiga Waddani Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Dib U Dhaca Ku Yimid Doorashooyinka

0
1517

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa shaaciyay mawqifkoodda ku aadan dib u dhaca ku yimid doorashooyinka wakiiladda iyo degaanka, sidayΒ Β  shalay komishanka doorashooyinku shaaciyeen.

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, musharaxa madaxweyne ku xigeenka Waddani, xog hayaha guud ee xisbigaasiΒ  iyo masuuliyiin kaloo xisbigaas ka tirsan oo maanta shirΒ  jaraa’id ku qabtay Hargaysa ayaa cadeeyay halka xisbigoodu arrintaas ka taagan yahay.

C/qaadir Ismaaciil Jirde, guddoomiyeΒ  ku xigeenka ku-meel gaadha ah ee Waddani oo halkaas ka akhriyay war-saxaafadeedka uu xisbiga Waddani ka soo saaray go’aankooda ku aadan dib u dhaca ku yimid doorashooyinka wuxuu sheegay in ay aad u jecel yihiin in doorasho xalaal ah ay dalka ka dhacdo.

Hase yeeshee aanay marnaba aqbali doonin doorasho ay og yihiin in aanay si cadaalad ah u dhacaynin.

Daawo C/qaadir Jirde Oo War-saxaafadeedka Akhriyaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here