“Xisbiga UCID waxa uu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo doorashooyinka oo aan xal rasmiya”…

0
846

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa meel adag iska taagay dhawaaqii komishanka doorashooyinka ee la xidhiidhay dib u dhaca ku yimid qabsoomida doorashooyinka Wakiiladda iyo degaanka.

Xisbiga UCID ayaa isagu dhinaciisa soo jeediyay tallooyin ay lagama maar-maan tahay in la raaco six al looga gaadho muran u dhexeeya xisbiyadda mucaaradka, xukuumadda iyo xisbul-xaakimka Kulmiye oo isku dhinac ah.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID C/naasir Xasan Buuni,  oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbigaasi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa.

Waxay  sheegeen in xisbigoodu aanu marnaba aqbali doonin muddoo kordhin loo sameeyo goleyaasha Wakiiladda iyo degaanka, isla markaana ay arrintaasi hoos u dhigayso dimoqraadiyadii caalamku Somaliland ku majeeran jiray.

C/naasir Buuni,  halkaas ka akhriyay war-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa ugu baaqay xukuumadda, xisbiga Kulmiye iyo Waddani in ay aqbalaan xalka ay soo saaraan guddigii  kala ahaa saddexdii madax weyne ku xigeen ee Somaliland soo maray.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiye Ku Xigeenka UCID:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here