Xisbiga UCID Oo Shaaciyay Wakhtiga Laqabanayo Shirwaynihii Shanaad Ee Golaha Dhexe Xisbiga UCID

0
812

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey wakhiga la qaban doono shir weynihii golaha dhexe ee xisbigaasi isla markaana lagu dooran doono musharax , musharax ku xigeenka xisbiga , gudida anshaxa iyo hogaanka xisbigaasi

 

waxaana sidaasi warbaahinta mar dhaweyd u sheegay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Sabca waxaana uu sheegay in la qaban doono shir weynihii shanaad ee golaha dhexe ee xisbigaasi taarikhdu marka ay tahay 10.07.2016 waxaana uu yidhi.

Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  Β  advertisements

201647635956660954277075concertsapr7

β€œWaxaanu qabanaynaa hadii alle yidhaa shirwaynihii shanaad ee golaha dhexe xisbiga UCID Julay.10.2016-Waxaan intaa ku darayaa xeerka 34 ee xisbiga UCID, waxa uu sheegaya gudida anshax ee xisbiga UCID, gudidaasna waxa lagu doortaa golaha dhexe intaa waxaan ahayn gudidaas sharci maaha cidna ma eryi karto cidna xil kama qaadi karto, waxa kale oo aan leeyahay haday tahay musharaxa iyo haday tahay gudoomiyaha iyo haday tahay hogaanka sare ee xisbiga, xildhibaanada iyo cid walba oo ku jirta golaha dhexe ee UCID wax aka reeban in aflagaado iyo xumaan ay isku mariyaan warbaahinta cidii arinkaa ku xadgudubtana waxaan kaga go’aan qaadan doonaa shirkayaga golaha dhexe”Sidaas ayuu yidhi Sabca

 

Sidoo kale gudoomiyaha golaha dhexe waxaa uu sheegay in aanay jirin wax la yidhaahdo gudi anshax oo xisbiga uu leeyahay gudidaasna la dooran doono lana ansiixin doono marka uu shirkani dhaco isla markaana aanay awood u laheyn in ay cid xisbiga ka saarto.

 

Waxaana shirwaynahani uu kusoo beegmayaa xilli u khilaaf xoogani ka dhex taagan yahay masuuliyiinta xisbiga UCID isla markaana dhawaan ay masuuliyiintani isla tiigsan doonaan maxkamada si loo kala saaro.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here