Somaliland: Jaamacada Admas Oo Tartan Kubada Cagta Ah Uqabatay Ardayda Dhigata + SAWIRRO

0
1540

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Jaamacada Admas ayaa maanta ka furtay magaalada Hargaysa tartan kubada cagta ah oo ay wada ciyaari doonaan laba iyo Tobon kooxoodΒ  oo katirsan ardayda jaamacada admas dhigata.

 

Furitaankii tartankaasiΒ  ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Xuseen Cabdilaahi iyo Gudoomiyaha gudida ardayda jaamacada Admas Ilyaas.

12966646_918713454921623_498588360_n

Waxa uu gudoomiye Ilyaas sheegay in tartankan ay jaamacada Admas soo qaban qaabisay ay ardaydu isku baran doonaan jaamacadaha kalana kaga dayan doonaan Jaamacada Admas.

12966599_918713481588287_1692956492_n

Gudoomiye Ilyaas ayaa sidoo kale ku amaanay Jaamacada Admas garab istaaga ay had iyo jeertahay mid garab taagan dhalinyarada Somaliland.

12987990_918713434921625_126087444_n

Cabdiraxmaan Cumar ooΒ  kamida ciyaartooyadii ugu cadcadaa ee Soomaray gobolka Gabilay isla markaana ah Tobobaraha Xulka Gobolka Gabilay imikana maamule ka ah garoonka Ciyaarsame Stadium ayaa isna jaamacada Admas ku amaanay inay wareeg noocan oo kale ah ay ardayda usoo qaban qaabiyaan taasi oo uu sheegay inay tahay talaabo mihiim ah oo uu ku dhiiri gelinayo jaacadaha kale ee dalkana inay kaga daydaan jaamacada Admas.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Mr-Xuseen Cabdilaahi Maxamuud
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Mr-Xuseen Cabdilaahi Maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambayntiina Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Xuseen Cabdilaahi ayaa si rasmiya ufuray tartankaasi isagoo kooxahaΒ  kaqayb gelaya tartankaasna usoo jeediyay inay ciyaar wanaag la yimaadaan.

12987930_918713448254957_242281480_n

Xuseen sidoo kale waxa uu is barbardhig ku sameeyayΒ  wakhtigii dhalinyarada uu ahaa ee uu ciyaari jiray kubada garoomadii ay ku ciyaari jireen iyo hada garoonada ay dhalintu ku ciyaarto ee dooga macmalka ahi ku goglanyahay, isagoo sheegay in aanay ladkiisii nasiib uhelin inay ku ciyaaraan garoon goglan.

12992858_918713521588283_51256633_n

Gudoomiye Xuseen waxaa uuΒ  sheegay in tartankani noqon doono tartan sanadle ah oo ay jaamacadaΒ  Admas wadi doonto.

12980610_918713384921630_1831579978_n

Tartankan kubada cagta ah ayaa ka socondoona garoonka kubada Cagta ah ee Ciyaar Same stadium oo kamida garoonka Casriga ah ee dhawaan laga hirgeliyay Hargaysa .

12968770_918713508254951_749958259_n

Jaamacada caalamiga ah ee ADMAS oo inta badan ka mid ah jaamacadaha sida hagar laanta ah ee uga qayb qaata kor u qaadida aqoonta dhalinyarada heerka jaamacadaha ee ku suga mandaqadani geeska afrika ayaa waxa ay Markasta ku dadaasha inay dhalinyarda isku soo dhaweyso .

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here