Xisbiga KULMIYE oo Heshiis La Saxeexday Xisbiga ANC Ee Koonfur Afrika

0
725

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE iyo xisbiga ANC ee Koonfur Afrika, ayaa waxaa ay kala saxeexdeen heshiisyo dhinacyo badan taabanaya, ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ku qaabilay xarunta Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa masuuliyiin heer sare ah oo ka socda Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC, oo safar shaqo ku yimi dalka.

Kulanka uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed uu la qaatay weftiga Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika, ayaa waxa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuulin heerkoodu sarreeyo oo ka socda Xisbiga ANC iyo Dowladda Koonfur Afrika, ayaa si wada jir ah u kala saxeexday heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh, sida maalgashiga, Kaluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.

Labada Xisbi ee KULMIYE iyo ANC, ayaa waxaa kala hoggaamiya rag soo halgamay, waana laba Xisbi oo wax badan wadaaga, iyadoo labada Xisbi-ba ay waxyaabo badan iska kaashan doonaan.

Masuuliyiinta ka mid ah Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya, ayaa dalka soo gaadhay, halkaasi oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here