Somaliland, EU, Itoobiya iyo Jabuuti oo Shir Ku Yeeshay Addis Ababa

0
1902

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Dalka Itoobiya kaga qayb galay kulan lagaga hadlayay Danbiyada Badaha ka dhaca.

Waxaa shirkaasi lagaga hadlayay Dambiyada Badaha uga qayb galay Somaliland Wefti uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri.

Shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen EU-da iyo UNODC, waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, waxaana lagaga hadlaayey sida loo maxkamadeeyo ama loo baadho dambiyada ka dhaca badaha sida Kalluumaysiga sharci darrada ah, dikhawga badaha, ka-ganacsiga iyo tahriibinta dadka, hubka sharci darrada ah iyo mukhadaraadka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wufuud ka kala socotay dalal ay ka mid yihiin Somaliland Djibouti, Itoobiya iyo Yemen, ayaa wasiir ku-xigeenku furay, waxaannu tobabar muddo toddobaad ah socday u furay xeer-ilaaliyayaasha iyo ilaalada xeebaha dalalkaas.

Kullanka, ayaa lagu gorfayn doonaa inta uu socdo, sidii looga hortagi lahaa, dambiyada ka dhaca badaha iyo sidii loo xakamayn lahaa falalka ka soo hor jeeda animga mandaqada iyo xeebaha, kuwaasi oo khatar galin kara isu socodka iyo ganacsiga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here