Maxamuud Xaashi oo Madaxweynaha Somaliland Ugu Baaqay Inaanu Abaabul-dagaal Ka-Samayn Laascaanood

0
1436

Hargeysa (Hargeisa Press)- Urur siyaasadeedka Kaah, ayaa waxaa uu baaq xaasaasi oo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ururka Kaah, ayaa waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in aanu gobolka Sool markale ka samayn abaabul dagaal iyo rogaal celin.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi oo war qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in aanay faa’iido ku jirin dagaal ay hada Somaliland ku qaado Laascaanood.

Maxamuud Xaashi, ayaa waxaa uu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in mudada kooban ee xilka uga hadhay uu isku dayo in uu qabto doorasho xor oo xalaal ah, islamarkaana uu ku dadaalo isku haynta shacabka Somaliland.

Waxaa kale oo uu sheegay in bulshada Somaliland ay u badan tahay bulsho danyar ah, oo aan haysan badhaadhe nololeed.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaanu ugu baaqay in uu dalka ka ilaaliyo khilaaf danbe oo siyaasadeed, oo bulshada dhib u gaysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here