Xisbiga Kulmiye Oo Beeniyey Hadal Ay Ku Tilmaameenn Been Abuur Oo Af-Hayeenka Waddani U Jeediyey Gudoomiye Muuse Biixi

0
946

HARGEISA, (HargeisaPress) —Been-abuurka iyo hubsiimo la’aantu waxay caado u noqdeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo mar walba ay ka soo baxaan hadallo aan xaqiiqda ku salaysnayn iyo eedaymo cunfi been ah ku fadhiya.

 

Waxa la yaab iyo u qaadanwaa ku noqday xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha inta maqashay hadal been ah oo Afhayeenka xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa ka jeediyey Burco oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE  Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ku eedeeyey Guddoomiyaha WADDANI inuu isagu haysto xeerarkii doorashada oo horyaal aqalka Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha ka yahay.

 

Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in hadalkaasi ka soo yeedhay Afhayeenka WADDANI yahay been-abuur cad oo aanay waxba ka jirin, sababta oo ah ma jirto meel Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi ku yidhi ama ka sheegay eedaynta noocaas ah iyo warbaahin uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada toona.

 

Sidaasi darteed, waxaannu xisbiga WADDANI kula talinaynaa in hadallada ka soo baxaya iyo maagista masuuliyiinta kale noqdaan qaar run iyo xaqiiq jirta ka turjumaysa, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana waantoobaan hadallada been-abuurka ah ee ay u sheegayaan shacbiga Somaliland.

 

Alla             Mahad            Leh

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye

XASAN SICIID YUUSUF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here