Xisbiga Erdogan oo muran galiyay guusha mucaaradka

0
1007

Waxaa aad looga wardhawrayaa natiijada doorashada duqa magaaladaa Istanbul iyo xubnaha golaha dowladda hoose.

Waxaa aad isu garbinaya xisbiga talada dalkaas haya ee AKP ee Madaxweyne Rajab Erdogan iyo kan mucaaradka ugu weyn ee CHP.

Labada xisbibaba waxa ay sheegayaan in ay iyaga ku guuleysteen doorashada, balse guddiga doorashooyinka weli ma uusan shaacin natiijada.

Tusaale mucaaradka waxa ay sheegayaan in musharaxooda Ekrem Imamoglu uu ku horeeya illaa 28 kun oo cod, halka xisbiga AKP oo uu u sharaxanyahay Ra’isulwasaarihii hore Binali Yildirim uu ku horeeyo illaa 4 kun oo cod.

Istanbul waa magaalada ugu weyn dalka Turkiga, waxaana ku dhaqan illaa 18 milyan oo qof.

Marka tirinta codadka ay ka dhimantahay boqolkiiba 1% ayaa la joojiyay tirintii, mucaaradkana waxa ay sheegayaan in ay taasi tahay qorshe codadka lagu dhici rabo.

Mucaaradka waxa ay ku guuleysteen magaalada Ankara ee caasimadda iyo magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Izmir.

Natiijooyinka doorashooyinkan ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa afti u ah hoggaanka madaxweyne Erdogan oo dalkaas soo hoggaaminayay muddo dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here