Kulan ay Isku sii Sagootiyeen Baanka Adduunka iyo Guddoomiyaha la Beddelay ee Hay’adda Shaqaalaha

0
642

Hargeysa,(HargeisaPress) –Kulan lagaga wadahadlay mashaariicda la xidhiidha dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda, ayaa dhexmaray wefti ka socda Baanka Adduunka (World Bank) iyo Guddoomiyaha la beddelay ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geele), haddana loo magacaabay Ku-xigeenka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Caasimadda Hargeysa maalintii Axadda, waxa lagaga wadahadlay mashaariicka kala duwan ee Baanka Adduunku ka taageero Hay’adda Shaqaalaha, kuwaasoo hadda socday 24kii bilood ee u dambeeyey, gaar ahaan mashaariicda la xidhiidha nidaamka dib-u-habaynta shaqaalaha ee loogu talogalay in lagu tayeeyo awoodda shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowliga ah.

Sida uu sheegay Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed (Geele), weftiga ka socday Baanka Adduunku, waxay ahaayeen madaxda iyo saraakiisha Bangiga Adduunka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ee ay ka fuliyaan dalka Somaliland, gaar ahaan  ayeynta shaqaalaha dowladda Somaliland, isagoo caddeeyey in ujeedadoodu la xidhiidhay sidii ay labada dhinac isku sii sagootin lahaayeen, iskana xog-waraysan lahaayeen halka ay ilaa hadda mashaariicdaasi marayso, maadaama oo uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu dhawaan xilkaas wareejin doono, kadib markii loo magacaabay inuu noqdo Ku-xigeenka Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

“Waxa aan kulan ballaadhan nagu soo booqday madaxda ugu muhiimsan mashaariicda Bangiga adduunku (World Bank) ka maal-galiyo Somaliland, kuwaas oo aannu kulan hambalyo iyo sagootin isugu jira wada yeelanay. Intii kulanku socday ayaan iskula eegnay seeska adag ee u yaala hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dowladda iyo jihada muhiimka ah ee dhawaan furmaysa. Dhanka kale, waxa aannu isku sagootinay wanaag iyo anaga oo guul wada taagan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha la beddelay ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Mr. Sharmarke Axmed Muxumed (Geele), kaasoo hadda loo magacaabay inuu noqdo Ku-xigeenka Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here