Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Ajandaha Kalfadhigoodii 59Aad Ee Ay Yeeshan + Magacyada Masuuliyiin Dawlada Ka Tirsan Oo Ay Sheegen In Golaha La Hor Keeni Doono

0
761

HARGEISA , (HargeisaPress) —Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta Ansixiyey Ajandaha Kal-fadhiggoodii 59-aad ee ay yeeshaan mudanayaasha golahaasi.

 

Waxaana kalfadhigan  shir guddoominayey guddoomiyaha guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

kal-fadhiggan ay mudanayaasha golaha guurtidu yeesheen ayaa waxa badiba kazoo xaadiray xildhibaanada golaha guurtida, iyada oo intuu u kalfadhigan socday codayn fartaaga  xildhibaanadu kaga doodeen ansixinta ajadaha kalfadhigooda maanta.waxaa ogolaadey inuu ansaxo kal-fadhiggani 55 mudane, halka hal xildhibaan uu ka aamusey,Guddoomiyuhuna muu coddeyn.Waxaana sidaa ku ansaxaey kal-fadhiggii 59-aad ee golaha guurtida Somaliland.

 

Dhinaca kale xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa markii uu ansaxay kalfadhigaasi waxay soo jeediyeen xildhibaanadu  In loo yeedho lana horkeeno golaha hortiisa  taliya booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan  Wasiirada Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo guddoomiyaha bangiga dhexe.

 

Waxaana la filayaa in masuuliyiintan ay xildhibaanada golaha gurtidu  wax ka waydiiyaan su’aalo la xidhiidha shaqadooda sidoo kalena ay warbaxino ka dhagaystaan masuuliyiintan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here