Musdanbeedka Qoyska Sandalada Subeer Awal Oo Go’aan Ka Soo Saarey Suldaan Dhowaan Lagu Caleema Saarey Hargeysa

0
937

HARGEISA , (HargeisaPress) —Odayaasha ugu faca weyn qoyska sandalada Subeer Awal ee reer Suldaan Diiriye iyo reer Garaad Boon  musdanbeedkooda ayaa go’an adag daqada kaga tuuray waxba kama jiraana ku tilmamey  Suldaankii macmalka ahaa ee dhowaan lagu caleema sarey Hargeysa waxaney tilmameen iney arintaasi gef ku tahay saldanada faca weyn ee Subeer Awal laguna faragaleyey suldaanka guud ee beelahaasi ,Suldaan Xasan Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan  uu yahay lama tabtaan.

 

Waxaan ka mid ah odayaashii halkaa ka Hadley Xasan Suldaan Diiriye Gaaraad Boon  oo ah odayga ugu da’da weyn qoyskaSaldanada Subeer Awal,

 

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Chief Caaqil Cali Cige Jaamac oo ah jufada caqilkooda (reer garaad boon) Iyo  Axmed Jambiir Suldaan oo ka mid ah odayaasha musdanbeedka ah ee reer garaad boon horena uu ahaa Wasiirkii arimaha gudaha Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka.

 

 

 

Gebegabadii waxaa halkaa ka Hadley Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye,  odayaasha waxay dhamantood isaga dabamareen hadalka waxaney dadafeeyen suldaanka gacan ku rimiska ah ee dhowaan lagu caleeno saarey hotel Green Plaza ee Hargeisa .

 

Ugu dambeyn waxay odayaashu usoo jediyeen Xukumada,beelweynta Subeer Awal iyo guud ahaan beelaha dega Somaliland iney tahay lama tabtaan sandalada Subeer awal laguna ogyahay suldaanka guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here