Xildhibaan Xasan Cawaale“Ninka Diiday Madaxwayne Cigaal, Somaliland ayuu Diidanyahay”

0
806
Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo ka mida Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye,  ayaa sheegay in wasaarada Ciyaaraha Somaliland ka Hor-istaagtay Koob lagu xusay Allaha u naxariistee Madaxwaynihii Hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo si cad ugu yidhi “Lama qaban karo Koobka Cigaal”arrintaasi oo uu markii hore ka ogolaaday balse goor dambe uu diiday.

 

Xasan Cawaale Caynaan, waxaa uu wasiirka dhalinyarada ciyaaraha Somaliland ku eedeeyay inuu diidanyahay Jiritaanka qaranimada Somaliland maaddaama uu diiday in la qabto koobkii lagu xusay Madaxwayne Cigaal.

 

“Wasiirka oo markii Hore yeelay cida fiishta ka saartay ee diiday koobkaasi ma garanayo”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

 

Xildhibaan Xasan Cawaale waxaa kale oo uu sheegay in Koobkaasi uu u qabanayay Toban Kooxood oo ka socda Gobollada Somaliland.

 

Gabagabadii, Xildhibaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu ka sheekeeyay Sooyaalkii iyo Waxqabadkii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here