Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada oo Sheegay in Ansixintii Xeerka Ururrada Siyaaadda Loo Maray Nidaam Khalad Ah

0
586

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Xeerka ururrada siyaasadda ee dhawaan la ansixiyey in aan loo marin ansixintiisa nidaamkii saxda ahaa ee ku habboonaa, ee loo maray nidaam khalad ah.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ugu baaq u diray, Una soo jeediyay inuu magaciisa iyo mansabkiisa ilaashado.

“Labada qodob mid uun baa Xeerkan Ururrada siyaasadda lagu horkeeni lahaa Golaha Wakiillada, qodobka koowaad waa Madaxweynaha Golaha u soo gudbiya, si wax ka beddelid iyo kaabis loogu sameeyo, qodobka labaadna waa in 11 Mudane ay mooshin ku keenan, labadaas midna muu dhicin, Xeerkana waa la dhacay, oo iyadoo la awoodo in albaabka laga soo galo ayaa daaqadda laga soo galay, taas macaheeduna waa xaditaan iyo tuuganimo, haddii aan la rabin wax la xadana Xeerkan waxaa lagu soo gudbin lahaa labadaas qodob ee aan soo sheegay, ama waxaa lala sugi lahaa Golaha dambe ee iman doona”. Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile u warramay Wargeyska Geeska Afrika.

Mar wuu Madaxweynaha baaq u diraayay wuxuu yidhi “Madaxweyne, adiga ayaa ah Madaxweynihii Qaranka, masuuliyadda koowaadna adiga ayey ku saaran tahay, maantana waxaynu arkaynaa halkay wax walba marayaan, ee Madaxweyne masiirkaaga dambe,  masabkaaga iyo magacaaga ilaashano, oo dalka iyo dadkaba si daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeeg, oo dalka iyo dadkaaba u hagar bax”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here