Golaha Wakiillada oo Laalay Xeerka Tamarta oo Dhowaan Xukuumaddu U Soo Gudbisay

0
1094

Hargeisa (Hargeisa Press) – Fadhi ay maanta yeesheen Xildhibaanadda golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ay ku laaleen wax ka baddel lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland oo maalmihii u danbeeyay horyaalay golahaasi.

Kulankan oo ay soo xaadireen inta badan mudanayaasha golahasi, ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Xeerkan oo ahaa mid ay golaha u soo gudbisay xukuumaddu ayay goluhu hore u ansixiyeen, isla markaana ay ku sameeyeen wax ka baddel iyo kaabis, mudanayaashii ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa qodob qodob isu dultaagay wax ka baddelkii lagu sameeyay xeerkaasi.

Gaba-gabadii guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha ka codsaday inay ansixyaan hal mar xeerka oo isku duuban, halkaasi oo 31-mudane u codeeyeen xeerkii hore, laba xildhibaana ay diideen, toban kalena ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in guud ahaanba ay laaleen golaha Wakiilladu wax ka baddel iyo kaabistii lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland.

Guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay sidii loogu kala coddeeyay xeerka tamarta Somaliland waxaanu yidhi. “Kow iyo sodon xildhibaan ayaa ansixiyay, laba waa diiday, toban waa ka aamuseen guddoomiyuhuna muu coddeyn waxaanu xeerku ansax ku yahay sidii loogu kala coddeeyay,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here