Somaliland oo Caalamka U Soo Bandhigtay Hungada Soomaaliya Ka Taagan Tahay Kalitalisnimada Farmaajo

0
1989

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la’aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku qornaa luuqada afka Ingiliishka, waxana lagu sheegay war-murtiyeedkaasi in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad uga walaacsan tahay Jahowareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira.

Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland bayaamisay in is-mari-waagga Siyaasadeed ee Soomaaliya uu caddeyn u yahay kali-talisnimada Hoggaanka Farmaajo oo halis ku ah Ammaanka Mandaqadda  oo dhan, oo Soomaaliya ka ridi karta dagaalo sokeeye oo hor leh oo ay ku baro-kici karaan kumanaan qof oo ku soo qulquli kara dalalka jaarka ee ay Somaliland ka mid tahay.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland ayaa intaas ku dartay in shacbiga Muqdisho ay isku-darsameen kalitalisnimada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Famaajo iyo dhibaatada kooxda Al-shabaab.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku ammaantay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay go’aankii ahaa in Soomaaliya ay sii saarnaato cunoqabatayntii hubka, waxana ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka inay si dhow ula socdaan in aan wax hub ah laga soo iibin Soomaaliya.

War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa lagu sheegay in tan iyo markii Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda ay noqotay xiddigta dimuqraadiyada iyo xasiloonida, islamarkaana ay ka qabsoomeen Somaliland doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxa mar kale ay Jamhuuriyadda Somaliland u dareeraysaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka 31 Bisha May ee Sannadkan.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku boorrisay beesha caalamka inay toos ula soo xidhiidhaan Somaliland oo ay wax ka bartaan waayo-aragnimadeeda ku wajahan la-dagaalanka Argagixisada, dhismaha Qaranimada hoosta laga soo bilaabay iyo qabashada Doorashooyinka Xorta iyo Xalaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here