Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa, Caddeeyeyna Moqifkiisa Siyaasadeed + SAWIRRO

0
945

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada aqalka golaha wakiilada Somaliland, muddooyinkii danbena ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa saaka si baaladhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

xil jie

Waxaana soo dhawaytiisii si balaadhan uga qayb qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), madaxda sar sare ee xisbiga, hogaanada, xildhibaano, madaxdhaqameed iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

xil jier

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen, oo ka did soo dhawaytiisii halkaasi warbaahinta kula hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in uu si rasmi ah ugu biirayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana uu ugu horeyn uu halkaasi uga mahad celiyey madaxda xisbiga Waddani iyo sida oo kale dhamaanba dadkii ka qayb qaatay soo dhawayntiisii.

xildhiban jir

β€œAad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa madaxda xisbiga ee madaarka igaga horyimi, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, muddo ayaan caasimada dalka dibadda uga maqnaa imikana waxaan doonayaa in aan waxii xil ah ee isaaran aan guto, marxalad ayeynu imika maraynaa ay arrimo xasaasi ahi inoo yaalaan, oo dhibaatooyin siyaasadeed dhalin kara haddaan la xalin, sidii dhaqanka inoo ahaan jirtay Somaliland-ta waxaa aynu ku soo caano maalnay waa wada-tashi, waana daruuri in aynu wada-tashi yeelano, sidaas ayaan isbedlka lagu gaadhi karaa, arrimahan oo kale horena waa ay inoo soo mareen, hadana waa laga gudbi doona.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen.

xil ji

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Xuseen, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:β€œMawqifkayga xisbiga Waddani, waan cadahay, waana aan ku socdaa, xisbiga Waddani ee aad magac dhawday ayaan ku socdaa.”. Ayuu Yidhi

jirll

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here