Xiisadda Itoobiya iyo Sudan Ee Wabiga Niil oo Sii Korodhay

0
838
Webiga Nile
Webiga Nile

Khartoum  (Hargeisa Press) — Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xidheenka koronta uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada Midwoga Yurub iyo Midwga Africa, si meesha looga saaro is-mari waaga wadaxaajoodka ee la xidhiidha biya xidheenka wabiga Nile, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xidhiidha muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.

Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xidheenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay hore sheegtay in tallaabadaasi ay khatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaadho inta ayna Addis Ababa tallaabo u qaadin arrinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here