Dowladda Mareykanka oo Soo Dhaweeysay Xukun Maxkamadda Hargeysa Ku Riday Dad Ka Ganacsada Haramcadka

0
1554
Haramcad
Haramcad

Washington (Hargeisa Press) — Qoraal ay soo saartay, Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa lagu bogaadiyay xukun ay maxkamada Hargeysa ku riday 4 kamid ah ganacsatada ka ganacsata Haramcadka ee Somaliland.

Qoraalka hambalyada ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku, ay u sacaba tumayso xukunka ay maxkamada Hargaysa dhawaan ku riday 4 kamida ganacsatada ka ganacsata Haramcadka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in arintani ay gundhig muhiima u tahay la dagaalanka dhoofinta Haramcadka, kaasi oo si sharci daro ah looga dhoofiya Geeska Africa, loona iib geeyo wadamada Bariga dhexe, qoraalka ayaa lagu yidhi waa in la ilaaliya noocyada xayawanka ee nugul.

Dhinaca kale, Wasaarada Deegaanka ee Somaliland, ayaa iyaduna dhinaceeda jawaab celin ka sameysay warbixinta dowladda Mareykanka.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu yidhi waanu bogaadinaynaa aqoonsiga aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee Somaliland laga qabtay laakin, Hargeysa maaha meel kamida Soomaaliya sida aad qoraalkiina ku xusteen ee waa caasimada Somaliland.

May be an image of big cat and text that says 'U.S. Department of State Science D... @SciDiplomacyUSA We applaud the recent conviction of four cheetah traffickers in Hargeisa. This important milestone in #Somalia helps combat cheetah trafficking from the Horn of Africa to the Middle East. We must protect this vulnerable species and #EndWildlifeTrafficking NOT NAMPET A Help stop the illegal trade in wildlife and wildlife products. 0:46 05 Feb 21 Twitter Web App Fund'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here