“Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Wadaagaan Wuu Wanagsan Yahay” Brig Gen. Berhe Tesfay

0
1147

Hargeysa, (HargeisaPress) —Brig Gen. Berhe Tesfay, Wakiilka xafiiska qunsuliyada dawladda Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu xidhiidh wanaagsan u dhaxeeyo xukuumadda Somaliland, isla markaana loo baahan sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Mr. Tesfay, oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Huteel Maansoor shalay laguna xusayey sannad-guurada 25aad ee 20-ka Ginbot, oo ku beegan markii halgan hubaysan jabhadii EPRDF xukunka ka tuurtay xukuumadii Dargiga ayaa sheegay in shacabka Itoobiya ay gaadheen nabadgelyo, waxaanu yidhi “Maanta waxaanu xusaynaa sannad-guurada 25-aad ee 20-ka ginbot, oo ku beegan halgan hubaysnaa oo jabhadii EPRDF la gashay xukuumaddii fashiistiga ahayd ee dargiga xukunkana ka tuurtay una horseeday ummada dalka Itoobiya inay si nabad-geliyo,dimuqraadiyad,dhaqaale iyo atrimaha bulshada uga horumari lahaayeen, hab ku dhisan is-aaminaad.”

 

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Berhe Tesfay oo faahfaahin ka bixinaya horumarkii dhinacyada kala duwan ee dalkiisu ku tallaabsaday muddada 25 sannadood, waxaanu yidhi “Dalkayagu wuxuu ku socdaa horumar ku dhisan nidaamka dimuqraadiyedeed ee wax soo saarka beeraha una gudbaya horumarka warshadaha taas oo 13-kii sanno ee aynu soo dhaafnay Itoobiya gaadhay horumar lagu qiyaasay 11% taas oo wax ka bedashay nolosha dhammaan shacabka Itoobiya.

 

“Dhinaca Waxbarashada, in ka badan 96% boqolkiiba ayaa horumar laga gaadhay tasoo macnaheedu yahay 27 milyan oo arday ay waxbarasho heleen, sidoo kale, wuxuu caalamku u aqoonsaday in Itoobiya dhinaca caafimaadka horumar guul leh laga gaadhay, lana gaadhay in 5-tii kiloo mitirba goob caafimaad laga bineeyay.”

Itoobiya

Brig Gen, Mr. Tesfay oo ka hadlayey horumarinta dhinaca tamarta ee dalkiisa ayaa sheegay in dalkiisu maalgashi balaadhan geliyey sidii tamarta korontada loo horumarin lahaa, isla markaana dhismahiisu socdo mashruucii webiga Abaay,waxaanu yidhi “Biyo xidheenka weyn ee wabiga Abaay oo lugu dhisayo adduun dhan 5 bilyan dollar, looguna tallo galay inuu soo saaro in ka badan 6000 oo mega waat oo tamar ah, markuu dhammaystirmo wuxuu dabooli doonaa awooda tamarta 10,000 mega waat , tasoo loo qorsheeyay si ay uga fa’iidaystaan dalalka jaarka aanu nahay.”

 

“Waxaa xusid mudan in 25-kii sanno ee aynu soo dhaafnay ku tallaabsanay in xidhiidh aanu la yeelano caalamka taasoo aanu ku kasbanay kuna guulaysanay in aanu yeelano saaxibo badan, isla markaana, xafiiska qunsuliyada Hargeysa oo loo igmaday in dawladda Somaliland iyo shacbigeeda si wada jir ah uga wada shaqeeyaan danahooda gaar ahaaneed, xidhiidhkeennu aad ayuu u fiican yahay waxaana loo baahan yahay in wada shaqaynta la sii xoojiyo.”

 

Wakiilka Xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa ayaa u soo jeediyey shacabka Itoobiya iyo Jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Somaliland inay kaalin ka qaataan horumarinta dalkooda, waxaanu yidhi “Dadka shacabka Itoobiya iyo kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda Itoobiya ee ku nool Somaliland, waan ku amaanayaa kaalinta ay ka qaateen horumarka dalkooda, isla markaana, ku boorinayaa inay sii laban laabaan dedaaladooda.”

 

Xaflada oo sidoo kale ay ka hadleen Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mr. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, Gud-xigeenka xisbiga WADDANI Mr. Axmed Muumin Seed, iyo marti kale ayaa dhammaantood ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland, iyo sidii loo xoojin lahaa.

 

Munaasibada oo ka soo qeyb-galeen dad gaadhay boqolaal, ka mid ahaayeen madax ka kala socota xukuumadda, goleyaasha qaranka, madaxda xisbiyada, marti-sharaf iyo jaaliyada Itoobiya ee ku kala nool gobollada dalka ayaa laga soo jeediyey weedho dhammaantood la xidhiidhay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, iyo sidii wada jir iskaga kaashan lahaa, isla markaana loola dagaalami lahaa cid kastoo waxyeelo u geysanaysa xasiloonida iyo nabadgelyada labada wadan iyo labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here