SOMALILAND: Heshiiska Dekedda Berbera Oo Caqabad Ku Noqday Xorriyadda Iyo Hawl-Maalmeedka Saxaafadda

0
913

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa Maalintii Labaad Xarunta Ciidammada Dambi baadhista ee Hargeysa ku xidhan Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-bannaan ee FOORE, kaasi oo Shalay Ciidamada Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Maroodi-jeex qabteen.

 

Wariye Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Ibraahim, ayaa Shalay lala xidhay Wariye Cabdi Xasan Cabdi oo ah Madaxa Xafiiska Maamulka Iyo Lacagta Telefiishanka Bulsho, laakiin Cabdi Xasan ayaa Xalay Xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, hasa-yeeshee waxa Maalintii labaad Xidhan Guddoomiyaha Wargeyska FOORE.

 

Ciidamada Dambi baadhista, ayaa diiday in la booqdo Weriye Cabdirashiid oo la sheegay inuu ku xidhan yahay meel gaar ah oo ka mid ah Xarunta Ciidanka Dambi baadhista.

 

Suxufiyiin Saaka isku dayey inay booqasho ugu tagaan Weriyaha Xidhan, ayaa loo diiday inay ka gudbaan albaabka Xarunta CID-da, waxaana Ciidanka gaadhka ka ahaa halkaasi ay ku war-geliyeen Suxufiyiinta inaan la ogoleyn in la booqdo Weriye Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab.

 

“Iska Jooga lama Ogola in loo tago Ninkaad aad sheegaysaan.” Ayuu yidhi, Askari qori la taagnaa Albaabka Xarunta CID-da, waxaanu intaa ku daray, “Iska taga ha i galaafanina’e..”

 

Ilaa hadda lama oga Sababta loo xidhay Guddoomiyaha Wargeyska FOORE, laakiin Xadhiggiisa ayaa ku soo beegmay Maalin ka dib markii uu Wargeysku daabacay War ku saabsan Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in 15% ka mid ah 35%-ka Somaliland ka helayso Heshiiska Dekedda loo qorsheeyay Qoyska Madaxtooyada, sidoo kalena sheegay in Marwada koowaad ee Somaliland Aamina-weris ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland qaarkood ku canaanatay sababta Warbaahintu u heshay Heshiiska Dekedda Berbera.

 

Labadaa War, ayaa la aaminsan yahay inay yihiin kuwa Sababay in Xabsiga loo diro Guddoomiyaha Wargeyska FOORE.

 

Dhanka kale, Waxa Maanta Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex bilowday Dhageysiga Dacwad loo haysto Guddoomiyaha Wargeyska HUBSAD Cabdirashiid Nuur Waceys iyo Tifaftiraha Wargeyskaas Siciid Khadar Cabdillaahi.

 

Arrimahan, ayaa ku soo beegmaya Xilli laba Maalmood uun ka hor Maxkamadda Gobolka Saaxil siidaysay Saddex Suxufi oo Maayarka Degmada Berbera ku xidhay inay baahiyeen Hadalka Xildhibaanno ka hadlay Wakhtiga uu Xalaaloobi karo Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP World.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here